Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu Isniinta saxiixo amar madaxweyne oo lagu joojinayo cunaqabatayntii Maraykanku saaray Suuriya, taas oo uu horey u ballanqaaday inuu fulin doono.
Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in tallaabadan loogu talagalay in lagu “dhiirrigeliyo lana taageero waddada Suuriya ugu socoto xasillooni iyo nabad.”
Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in cunaqabatayn weli saaran tahay madaxweynihii hore ee Suuriya, Bashar Al-Assad, dadka la shaqeeya iyo kuwo kale oo lala xiriirinayo xadgudubyo.
Maraykanka ayaa horey bishii Maajo u siiyay Suuriya ka-reebisyo ballaaran oo ka mid ah cunaqabataynta, taasoo ahayd talaabadii ugu horreysay ee lagu fulinayo ballanqaadka madaxweynaha Jamhuuriga ee ah in la qaado xayiraado soo taxnaa nus qarni, dalka Suuriyana ay burburiyeen 13 sano oo dagaal sokeeye ah.
0 Comments