LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

MAXKAMADDA DANBIYADA.ADUNKA O 4 ASKARI O TURKI AH KU ..

 Maxkamada Dambiyada Hatay ayaa xukun labo mar oo xabsi daa'in ah ku xukuntay 4 askari oo Turkey u dhashay kadib markii lagu soo eedeeyay iney si ula kac ah u dileen qaxooti Syrian ah, kuwaasoo ku sugnaa xuduuda Turkey iyo Syria, dhacdada dilka ayaana dhacday sanadkii 2023dii.


Maxkamada oo tan iyo markaas kiiska dhageysaneysay ayaana ugu dambeyn go'aan ku gaartay in labo jeer xabsi daa'in ah lagu xukumo eedeysanayaasha iyo 7 sano iyo bar dheeraad ah oo la xiriirta jirdil ay u geysteen qaxooti kale.


Go'aanka Maxkamada ayaana imaanayo kadib baaritaano aan horay loo arag oo lagu sameeyay askar iyo saraakiil ka tirsan Milatariga Turkey, kuwaasoo xabsiga u taxaabay 9 qof oo qaxooti ah bishii Maarsi 2013dii, waxayna 9kaas qof jirdil u geysanayeen mudo 2 saac iyo bar oo xiriir ah, arintaasoona ugu dambeyn sababtay dhimashada Cabdirazzaaq Kistaal iyo Cabdisattaar Al-Xajjaar.


Maxkamadda ayaana 11 askari kale ka bari yeeshay eedeymaha kiiskaan ee la xiriiray dil kas ah oo ay kula kaceen qaxootiga Syrian-ka.


Dhanka kale maxkamadda ayaa masuuliyiin badan iyo saraakiil Milatari ku xukuntay xabsi u dhaxeeyo bilooyin ilaa sanado, kuwaasoo ku eedeysnaa iney isku dayeen marin habaabinta maxkamadda iyo qarinta caddeymaha kiiskaan, waxaana shakhsiyaadkaas kamid ah taliyaha cutubka gabood falkaas geystay oo lagu xukumay 6 sano iyo sadax bilood oo xarig ah, asigoona eedeynta ku tagri falka cadeymaha ay u raacsaneyd inuu dhankiisa ka geystay jirdilka qaxootiga.


Kiiskaan ayaana kamid noqon doono kiisaska taariikhiga ee xaqqa loogu hiiliyay wuxuuna u qalmaa in laga diyaariyo Dukumentary ama ugu yaraan Filim laga sameeyo.

Post a Comment

3 Comments