Kooxda AS ayaa la wareegtay gacan ku haynta magaalada muhiimka ee Moqo kori oo dhacda gobolka Hiiraan.
Dagaal kooban oo dhex maray ciiddamada dawladda, dadka deegaanka iyo kooxda AS ayaa ugu dambayn sababay in kooxda AS ay halkaas la wareegan ka dib markii ay ka bexeen ciidanka dawladda Soomaaliya.
Moqo kori ayaa ahayd saldhigii ugu muhiimsanaa ciiddamada Macawislayda iyo kuwa dawladda ee gobolka Hiiraan waxana halkaas marar kala duwan booqday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
www.Hiiraanshow.com
0 Comments