Aan ka faa,ideysano walaalayaal soonka cashuuraa oo ah maalin aad u fadli badan, maalinta cashuuraa waxay ku beegan tahay maalinta sabtida 5-July 2025 oo ah maalinta tobanaad ee bisha muxaram ee sannadka 1447 Hijriyada.
Nabiga ﷺ wuxuu dhahay: "soonka maalinta caashuura waxaan illaahay kaga rajaynayaa in uu ku dhaafo danbiyada sanadkii hore".
Waxaa habboon in la soomo 9-aadka iyo 10-aadka (Tasuucaa & Cashuuraa) ama 10-aadka iyo 11-aadka si loo qilaafo Yuhuuddii maalinka 10-aad kaliya soomi jiray.
Illahay ha ina waafajiyo acmaasha wanaagsan.🤲
-Khadar Ahmed Rabiile
0 Comments