Trump oo laga helay xanuun ku dhaca xididada dhiigga qaada
Xoghayaha saxaafadda ee Aqalka Cad, gabadha lagu magacaabo Karoline Leavitt ayaa saacado kahor baahisay in madaxweynaha Maraykanka laga helay xanuunka loo yaqaan Chronic Venous Insufficiency (CVI).
Iyada oo soo xiganaysa qoraal kasoo baxay dhakhtarka khaaska ah ee madaxweyne Trump.
Waxa ay sheegtay in todobaadadii ugu dambeeyay uu qaybta hoose ee lugihiisa ka dareemay barar aan badnayn.
Waxa ay intaas ku dartay in sawiro dhawaan laga qaaday madaxweyne Trump laga arki karayay midabka gacmihiisa oo isbedelay isla markaana barar sameeyay.
Af-hayeenku waxa ay sheegtay in bararka gacmaha ay ku lammaan yihiin cuncun fudud oo unugyada jilicsan ah taas oo ay sababtay salaanta badan ee gacan qaadka ah iyo qaadashada daawada Aspirin oo lagaga hortago wadne xanuunka.
"Waa xaalad caafimaad oo inta badan lagu arko dadka da'doodu ka weyn tahay 70-ka" ayay raacisay.
Sidoo kale af-hayeenku waxa ay sheegtay in xaaladda caafimaad ee madaxweynuhu tahay mid caadiya kaddib markii baadhitaano lagu sameeyay qaar kamida xubnaha muhiimka ah ee jidhkiisa.
Xanuunkan ayaa ah xaalad caafimaad oo xididada dhiigga ee luguhu aanay dhiigga si wanaagsan u gaadhsiin karin wadnaha, taas oo sababta in dhiiggu ku ururo lugaha.
www.Hiiraanshow.com
0 Comments