𝐃𝐄𝐆-𝐃𝐄𝐆:| Hay’adaha gargaarka Indonesia ayaa la tacaalaya gurmadka doon dalxiis ahayd oo ku degtay Jasiiradda Bali, taasi oo siday 65 qof. Doontan ayaa quustay xilli ay baddu aad u kacsaneyd habeenkii Arbacada.
Sida uu sheegay madaxa hay’adda qaranka ee badbaadinta iyo gurmadka, ayaa yidhi “doonta ayaa quustay qiyaastii nus saac kadib markii ay ka baxday dekedda Ketapang ee gobolka East Java”
Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay in la badbaadiyay dhawr ka mid ah dadka saarnaa, balse 43 qof ayaa weli la la’yahay, waxaana socdo baadi-goob adag oo ay wadaan kooxaha badbaadada badda, iyadoo laga cabsi qabo xaalado nolosha dadka maqan sababo la xiriira xaaladda badda oo aad u xun.
0 Comments