LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Ninkaan quruxda badan wuxuu heystaa shaqada ugu quruxda badan adduunka, da'diisa waxay kor u dhaaftay 90 sano, wuxuuna kasoo jeedaa qolooyinka la yiraahdo Agwaat, kuwaasoo ah dadka gacanta ku haya furaha Qabriga Nabiga scw, sidoo kalana waxaa lagu sharfaa howsha iney dadka u furaan albaabada qolalkii hooyooyinka mu'miniinta, shaqadooda sidoo kale waxaa kamid ah nadiifinta Qabriga Nabiga scw. Taariikhiyan mudo qarniyaal badan dadka loo yaqaano Agwaatka ayagaa feynuusyada shidi jiray sidoo kalana Masjidka Nabiga scw u adeegi jiray. Ninkaan waxaa lagu magacaabaa Sheekh Sarxiitii, howshaan intaan loo xil sarin kahor wuxuu ahaa dadka soo uruuriyo carafyada kala duwan ee adduunka guudkiisa saaran, balse markii howshaan loo xil saaray wuxuu yiri; "Horay maalin walba waxaan ula kulmi jiray caraf ay midba tan kale kasii caraf badantahay, balse maalintaan furay qolalkii Nabiga scw maalintaas kadib ma aanan carfinin caraf lamid ah midda ay qolalkaasi lahaayeen".


 Ninkaan quruxda badan wuxuu heystaa shaqada ugu quruxda badan adduunka, da'diisa waxay kor u dhaaftay 90 sano, wuxuuna kasoo jeedaa qolooyinka la yiraahdo Agwaat, kuwaasoo ah dadka gacanta ku haya furaha Qabriga Nabiga scw, sidoo kalana waxaa lagu sharfaa howsha iney dadka u furaan albaabada qolalkii hooyooyinka mu'miniinta, shaqadooda sidoo kale waxaa kamid ah nadiifinta Qabriga Nabiga scw.


Taariikhiyan mudo qarniyaal badan dadka loo yaqaano Agwaatka ayagaa feynuusyada shidi jiray sidoo kalana Masjidka Nabiga scw u adeegi jiray.


Ninkaan waxaa lagu magacaabaa Sheekh Sarxiitii, howshaan intaan loo xil sarin kahor wuxuu ahaa dadka soo uruuriyo carafyada kala duwan ee adduunka guudkiisa saaran, balse markii howshaan loo xil saaray wuxuu yiri; "Horay maalin walba waxaan ula kulmi jiray caraf ay midba tan kale kasii caraf badantahay, balse maalintaan furay qolalkii Nabiga scw maalintaas kadib ma aanan carfinin caraf lamid ah midda ay qolalkaasi lahaayeen".

Post a Comment

0 Comments