"Sababta Maskaxda Ku Jirta: Maxaa Ku Kalifa Qof Inuu Post Soo Dhigo Kadibna Isla Markaas Tirtiro?"
Shabakadda Psychology Facts ayaa iftiimisay saddex sababood oo cilmi-nafsi ah oo ka dambeeya dadka barta Facebook wax ku soo qora, balse si degdeg ah uga tirtira. Waxaa lagu tilmaamay:
1. Dareen Hadlay: Qofka ayaa post-ka ku qoray isagoo kacsan ama faraxsan, markuu dareenku dego wuxuu ka baqaa inuu si xad dhaaf ah u muujiyay, sidaas darteed wuu tirayaa.
2. Cabsida Aragti Dadweyne: Qofka ayaa ka walwala sida dadku u arki doonaan fikirkiisa ama muuqaalkiisa, taas oo ku qasabta inuu post-ka tirtirayo.
3. Falcelin La’aan: Qaar baa post dhigta iyagoo rajaynaya falcelin (likes/comments), markay waayaanna si niyad jab ah ayay u tirtiraan.
Dareen mise Dareen la’aan? — Waa su’aal maskaxda taabanaysa.
Imisa jeer ayaad aragtay post lasoo dhigay... kadibna "la cunay" daqiiqado gudahood?
www.hiiraanshow.com
0 Comments