Sida uu weriyey Wargeyska The Guardain ee ka soo baxa waddanka Ingiriiska, dawladda Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalal dhawr ah oo kiraystay shirkadaha lala kaashado in xidhiidh lala yeesho madaxweyne Trump kuwaas oo ka ag dhow aqalka cad.
Dawladda Soomaaliya waxa ay shirkaddahan siisay lacag dhan nus Milyan Dollar iyada oo doonaysa in ay xidhiidh la samayso madaxweyne Trump.
Arrimaha Soomaaliya lacagtan u bixisay waxa ka mid ah.
In Maraykanku uu joojiyo xidhiidhka uu la sameeyey Somaliland iyo in wax aqoonsi ah la siiyo Jamhuuriyadda Somaliland.
In la soo celiyo kaalmadii laga jaray ciidanka Danab.
In aan laga saarin ciidanka Maraykanka Soomaaliya iyo in uu Maraykanku qaato dekedda Berbera si uu saldhig uga samaysto.
Ilaa hadda warka Xasan Sheekh waxa uu noqday mid aan gaadhin aqalka cad balse weli gacanta ugu jira shirkadda Loobiga ka shaqeeya ee loo adeegsado fudaydinta wada xidhiidhka dawladdaha danaha ka leh dalka Maraykanka.
www.hiiraanshow.com
0 Comments