Wakaaladda wararka Iiraan ee Fars, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxwaynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian uu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarradii ay Israil ee gudaha Iiraan, intii uu socday dagaalkii 12 maalin ee June, markaa oo lugta uu dhaawac fudud ka soo gaaray.
Warbixintu waxay shaacisay in 16 June, ay si toos ah Israil u beegsatay goob sir ah oo ka tirsan qeybta hoose ee dabaq ku yaall waqooyiga Tehran, halkaa oo xilligaa uu ka socday kulan gaar ah oo ay lahaayeen golaha amniga qaranka Iiraan.
Mas’uuliyiinta Iiraan, waxaa u suurtagashay inay ka baxsadaan dhismaha iyagoo adeegsanaya marin degdeg ah, kaddib markii qaar ka mid ah ay dhaawacyo fudud.
Hay’adda sirdoonka Iiraan ayaa haatan wada baaritaano la xiriira suurtagalnimada in qof ka mid ah dadka kula joogay ama xubno sare oo kooban oo la socday ay la shaqeeyaan sirdoonka Israil.
0 Comments