Kuuriyada Waqooyi waxay sheegtay inay diyaar u tahay tallaabo militari oo ka dhan ah Mareykanka iyo Japan si ay uga hortagto waxa ay ku sheegtay khatar amni oo kaga imanaysa tababarro cirka ah oo ay iska kaashanayaan Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.
Pyongyang waxay ku eedeysay in tababarradan cirka ay kordhinayaan xiisadda gobolka, waxayna sheegtay inay si degdeg ah uga jawaabi doonto haddii ay aragto wax handadaya amnigeeda qaranka. www.hiiraanshow.com
0 Comments