Ciidanka Booliska JSL , ayaa xalay sameeyay hawlgal degdeg ah kadib markii isku dhac ku dhexmaray laba kooxood oo dhalinyaro gudaha degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa.
Intii uu socday iska horimaadkaasi , waxaa goobta lagu dilay Marxuum Khadar Axmed Nuur , Ciidanka Booliska oo si degdeg ah uga falceliyay dhacdada, ayaa si guul leh gacanta ugu dhigay 14 kamida eedeysanayaashii ku lug lahaa falkaasi foosha xun.
Ciidanku wuxuu xaqiijinayaa in eedeysanayaashu ay hadda ku jiraan gacanta Ciidanka, isla markaana waxa si degdeg ah loo horgayn doono hay’adaha garsoorka.
Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu ku wargelinayaa bulshada, gaar ahaan waalidiinta, in ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa ubadkooda, si looga hortago dhacdooyin ka noocan oo kale ah.
www.Hiiraanshow.com
0 Comments