Dhakhaatiirta Shiinaha ayaa jabiyay rikoodh cusub oo taarikhi ah kadib markii ay qaliin ku sameeyeen bukaan ku sugan meel u jirta 5000 KM.
Dhakhaatiirtu ma aysan tagin halka bukaanku yaalay, waxay ku sugnaayeen magalada Beijing ee caasimada Shiinaha halka bukaanku yaalay Tibet oo 5000 km u jirta, masaafahaa dheer iyagoo u jira ayay bukaankaas qaliinka ku sameeyaan, Waxay adeegsadeen satellite gaar ahaan Apstar-6D iyo robot-yo, waxayna halkaas ka hagayeen qaliinka.
Waa markii ugu horreysay ee taariikhda aadanaha la sameeyo qaliin sidan oo kale ah, Shiinuhu wuxuu ku guuleystay in uu isticmaalo tiknoolajiyad casri ah si qaliin loogu sameeyo bukaan ku sugan meel aad u fog iyadoo ay dhakhaatiirtu wax safar ah u galayn.
www.Hiiraanshow.com
0 Comments