Ilhaam Shaahiin fanaanada carbeed ahna atariisho Masar u dhalatay ayaa tiri; "Aabaheey wuxuu i geeyay Jaamacada Al-Azhar waayo wuxuu ahaa qof diinta aad ugu dhagan, balse wax walba waxay is badaleen markaan atariisho noqday.
Aabo wuxuu aad uga soo horjeestay inaan fanka ku biiro, wuxuuna midaas ka doorbiday inuu xiriirka ii jaro inta ka dhiman cimrigiisa, dib dambana uusan raali iiga noqon doonin.
Aniga qalbiyan aabahey aad ayaan u jeclaa, mararka qaar wuxuu i dareensiin jiray inaan cadowgiisa ahay oo uusanba aabahey aheyn
Maalin ayaan go'aansaday inaan la heshiiyo, markaan u tagay ayaan u sheegay inaan noqday atariisho weyn oo caan ah, maantana wax walba awoodo, balse wuxuu iisoo bixiyay muuqaalo laga soo jarjaray filimaanteyda;
-Muuqaal aan jees cayaarayo.
-Muuqaal aan dhar qafiif ah xiranahay jirkeygana laga arki karo.
-Muuqaal aan isku dhaganahay sidoo kalana is dhunkaneyno mid kamid ah aktarada filimka.
Muuqaaladaas markuu ii shiday ayuu iisoo jeestay asigoona igu yiri; "Dhabtii waad i ceebeysay, diintii aan kusoo barayna waad ka tagtay".
Maalintaas ayaa isugu keen dambeysay inaan is aragno ilaa uu ugu dambeyn ka dhintay".
Qisadaan waxyaabo badan ayay ina bareysaa fadlan ka eeg Commentiga 1aad.
0 Comments