LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

IRAN IYO QOWMIYADAHA DAGA IYO SIDE UGU KALA NOOLYIHIIN. Hoos ka aqriso

 


IRAN IYO QOWMIYADAHA DAGA IYO SIDE UGU KALA NOOLYIHIIN.


1-FURUS; Qiyaastii waxay shacabka Iran ka yihiin inta u dhaxeyso 60% ilaa 65%, waa qowmiyada ugu badan, waxay ku hadlaan luuqada Faarista, waxayna dagaan bartamaha Iran iyo magaalooyinka waaweyn.


2-ADRIYIINTA; Ama Turkida Adriyiinta waxay shacabka Iran ka yihiin qiyaastii 16% ilaa 20% waxay ku hadlaan luuqada Turkida, waxayna si baahsan ugu noolyihiin waqooyi galbeedka Iran, gaar ahaan gobolka Adribiijaan.


3-KURDIDA; Waxay shacabka iran ka yihiin qiyaastii 7% ilaa 10% waxayna dagaan galbeedka Iran gaar ahaan gobolada Kurdistan iyo Karmanshaah waxayna ku hadlaan luuqada Kurdida.


4-AL-LLOWR; Qiyaastii waa 6% dadka Iran u dhashay, luuqad ahaan iyo dhaqan ahaanba waxay aad ugu dhowyihiin shacabka Furusta, waxayna ku noolyihiin Koonfur Galbeedka Iran.


5-AL-BALUUSH; Waxay shacabka Iran ka yihiin 2%, waxay dagaan Koonfur Bari dalkaas, gaar ahaan gobolka Baluushistaan, ayagoona ku hadla luuqadda Baluushiga.


6-CARAB; Waxay shacabka Iran ka yihiim 2% waxayna dagaan gobolka Khozistan ee dhaca Koonfur Galbeed dalka Iran, ayagoona ku hadla luuqadda Carabiga.


7-TURKIMAN; Waxay shacabka Iran ka yihiin 2% wax kayar, waxayna ku noolyihiin waqooyi Bariga Iran, gaar ahaan goobaha u dhow xuduuda ay Iran la leedahay dalka Turkimanistan, ayagoona ku hadla luuqadda Turkiman.


8-KOOXAHA KALE EE LAGA TIRADA BADANYAHAY; Sida Armeniyaanka, Ashuuriyiinta, Yahuuda iyo kuwa kalaba waa kooxo kala duwan qowmiyad ahaan iyo diin ahaan kuwaasoo ku kala nool meelo kala duwan oo Iran katirsan.

             

             www.Hiiraanshow.com

Post a Comment

0 Comments