LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa aqal cad ee looga taliyo dalkaas ku casuumay shan hoggaamiye oo u badan madaxda Galbeedka qaaradda Afrika kuwaas oo ka kala socda dalalka Gabon, Guinea-Bissau, Liberia, Mauritania iyo Senegal. Madaxdan oo Trump uu la kulmi doono toddobaadka dambe waxa uu kala hadli doonaa arrimaha ay ugu muhiimsan yihiin in ay Maraykanka ka taageeraan helista khayraadka dalalkan iyo in la yeesho is dhaafsi daneed oo ku dhisan in Khayraadka la siiyo Maraykanka dalalkana laga taageero wixii ay uga baahan yihiin dhinaca Washitong. Trump oo lagu tilmaamo madaxweyne aan si weyn u soo jeedin qaaradda Afrika .......


 Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa aqal cad ee looga taliyo dalkaas ku casuumay shan hoggaamiye oo u badan madaxda Galbeedka qaaradda Afrika kuwaas oo  ka kala socda dalalka Gabon, Guinea-Bissau, Liberia, Mauritania iyo Senegal.


Madaxdan oo Trump uu la kulmi doono toddobaadka dambe waxa uu kala hadli doonaa arrimaha ay ugu muhiimsan yihiin in ay Maraykanka ka taageeraan helista khayraadka dalalkan iyo in la yeesho is dhaafsi daneed oo ku dhisan in Khayraadka la siiyo Maraykanka dalalkana laga taageero wixii ay uga baahan yihiin dhinaca Washitong.


Trump oo lagu tilmaamo madaxweyne aan si weyn u soo jeedin qaaradda Afrika waxa uu hadda bilaabay in uu xidhiidh gaar ah la sameeyo dalalka Afrika ee laga helo Khayraadka dabiiciga ah iyo kuwo dhaca  goobaha muhiimka ah ee wax ka tari kara danaha Maraykanka.

            www.Hiiraanshow.com

Post a Comment

0 Comments