LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Qoraal uu soo diray: Muuse Nuur Faarax – Oo ka Tirsan Ciidanka Dab-damiska Qaranka “Duruuf adag, naf-hurnimo iyo u adeegidda Qaranka” Waxaan ku sugnaayn in ka badan 50 saacadood gudaha buuraleyda gobolka Sanaag – nasasho la’aan, nafis la’aan, waxaana si geesinimo leh uga qaybqaadanay howlgal dab-damis oo aad u culays badan. Dab xooggan ayaa ka kacay kaymaha buuraleyda Sanaag, goob aan lahayn wadooyin, aanay gaadhi karin tuunbooyin ama qalab culus – ”


Qoraal uu soo diray: Muuse Nuur Faarax – Oo ka Tirsan Ciidanka Dab-damiska Qaranka 


“Duruuf adag, naf-hurnimo iyo u adeegidda Qaranka”


Waxaan ku sugnaayn in ka badan 50 saacadood gudaha buuraleyda gobolka Sanaag – nasasho la’aan, nafis la’aan, waxaana si geesinimo leh uga qaybqaadanay howlgal dab-damis oo aad u culays badan.


Dab xooggan ayaa ka kacay kaymaha buuraleyda Sanaag, goob aan lahayn wadooyin, aanay gaadhi karin tuunbooyin ama qalab culus – dhul ay dabaylo xoogan ka dhacaan xilliga xagaaga, meel dadka badankood ayba adagtahay in ay lug ku gaadhaan.


Si kastaba ha ahaatee, howlgal socday 65 saacadood ayaan ugu dambeyntii ku guulaysanay in aan ku damino dabkii ba’an. Waxaa hormuud u ahaa Ciidanka Dab-damiska Qaranka, waxaana garab naga siiyay Ciidamada Qalabka Sida iyo dadweynaha deegaanka.


Waxaan mar walba diyaar u nahay in aan u adeegno Qaranka, naftayadana u hurno badbaadinta shacabka. Hawshan ma ahayn mid lagu xallin karo qalab keliya ama tiro dad ah – Alle awoodiisa ayay ahayd in aan ka adkaanay xaalad aysan xitaa malaayiin qof waxba ka tari lahayn.


Waxaan leeyahay:

“Dhacdooyinka, awooddeenna iyo duruufteenna isu qiyaasa dadkayagow.”

 

Post a Comment

0 Comments