πππ-πππ:| Wargayska (sharqul owsad) ayaa qoray, in Mashruuc sir ah oo Israa’iil ay wado uu cabsi geliyay Masar iyo Urdun" Warbixinta ayaa sheegaysa in Tel Aviv, iyadoo kaashaneysa Mareykanka, ay waddo qorshe qarsoon oo laga shakisan yahay inuu la xiriiro istaraatiijiyad cusub kadib duqeymihii Iran lagu qaaday.
Qorshahan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mashruuc militari ama sirdoon oo laga hirgelinayo gobolka u dhexeeya Israel, Masar iyo Jordan, meel istiraatiiji ah oo si weyn u saameyn karta Masar iyo Urdun.
Masar waxay ka walwalsan tahay in Israel ay si qarsoodi ah u kordhinayso awooddeeda gobolka, taasoo dhaawici karta xasilloonida gobolka Suez iyo Sinai.
Urdun waxay dareemeysaa cabsi ku saabsan in mashruucaasi uu halis ku yahay amnigeeda, gaar ahaan haddii uu horseedo kororka xiisadaha ama kacdoon gudaha ah. Waa talaabo muujinaysa isbalaarinta Israel ee dalalka carabta
0 Comments