LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Atariishadaan oo u dhalatay Turkey laguna magacaabo Busra Ayaydin taasoo horay ugu qeyb qaadatay taxanayaal waaweyn uuna kamid yahay taxanaha ugu weyn taariikhda Turkey ee Kurtalar Vadisi ayaa gabi ahaanba joojisay ka qeybgalka filimada iyo Taxanayaashaba. Waxay aheyd atariisho iyo Model caan ah balse waxay dooratay iney ka tanaasusho dibna ugu laabato diinteeda ayadoona toobad keentay sidoo kalana bilowday xirashada xijaabka.


 Atariishadaan oo u dhalatay Turkey laguna magacaabo Busra Ayaydin taasoo horay ugu qeyb qaadatay taxanayaal waaweyn uuna kamid yahay taxanaha ugu weyn taariikhda Turkey ee Kurtalar Vadisi ayaa gabi ahaanba joojisay ka qeybgalka filimada iyo Taxanayaashaba.


Waxay aheyd atariisho iyo Model caan ah balse waxay dooratay iney ka tanaasusho dibna ugu laabato diinteeda ayadoona toobad keentay sidoo kalana bilowday xirashada xijaabka.


Waxay heysatay fursad ay ku noqon karto mid kamid ah atariishooyinka ugu caansan Turkey, waayo ayadoo aad u yar ayay jilliinka kusoo biirtay magac iyo shacbiyadna sameysatay, balse markii ay gaartay da'da 19 jirka waqtigaasoo la is lahaa haatan ayay fanka qabsan doontaa ayay halmar is lama filaan ah gabi ahaanba u joojisay mashaariicdii jilliinka iyo Modelkaba, waxayna caanimadaas iyo lacagtaas ka dooratay diinteeda. www.hiiraanshow.com

Post a Comment

0 Comments