Warbaahinta caanka ah ee Al-jazeera gaar ahaanna qaybta Afka Carabida oo faallo dheer ka qortay arrimaha Somaliland ayaa si weyn u faaqiday dhambaalkii Senator Ted Cruz uu u diray madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, dagalka Shiinuhu ku hayo Somaliland, goleyaasha sharci dejinta oo meel marin doona xeer taageeraya aqoonsiga Somaliland ka dib marka ay ka soo laabtaan fasaxa xagaaga iyo suurtagalnimada in Maraykanku uu Somaliland u soo raro Saldhiga uu ku lee yahay dalka Djibouti.
Warbixintu waxa ay sheegtay in xildhibaanno aad u badan oo ka kala tirsan Goleyaasha Senate-ka iyo Congress-ku ay si weyn ugu ololaynayan in aqoonsi iyo taageeroba la siiyo Somaliland.
Baaq Senator Ted Cruz ayay warbixintu tilmantay in uu yahay mid yeelanaya saamayn aad u balaadhan maaddama oo uu yahay xildhibaan si weyn uga ag dhow dhinaca madaxweyne Trump.
Goleyaasha Maraykanka ayay Al-jazeera sheegtay in ay sii wadayan dedaallada lagu doonayo in Maraykanku aqoonsado Somaliland iyada oo anjadeyaasha bisha September lagu dari doono aqoonsi la siiyo Somaliland.
𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐢𝐧 𝐮𝐮 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐮𝐫𝐨 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐃𝐣𝐢𝐛𝐨𝐮𝐭i
Al jazeera waxa xustay in Wasaaradda Gaashaandhiga ee Maraykanka ay doonayso in ay ka soo guurto dalka Djibouti gaar ahaanna in la soo raro Saldhiga Maraykanka ee halkaas ku yaalla kaas oo kaabiga ku haya midka ay dawladda Shiinuhu dalkaas ku leedahay.
Warbixintan waxa ku cad in Maraykanku uu Djibouti ku beddelanayo Somaliland isaga oo saldhig ka samaysanaya Somaliland.
Wada hadallo arrinkaas ku wajahan ayay Al-jazeera sheegtay in ay dhex mareen Somaliland iyo Maraykanka iyada oo laga wada halday saldhig uu Maraykanku ku yeesho Somaliland.
Al jazeera Warbixinteeda waxa ay ku dhex adeegsatay khariirada Somaliland oo ku calaamadsan xaduudihii 1960-kii oo ah kuwa uu Maraykanku hadda doonayo in lagu aqoonsado Somaliland, taas oo muujinaysa is beddelka ku yimi dalka Qatar oo muddo dheer ka mid ah dalalka aan u debecsanayn www.hiiraanshow.com
0 Comments