Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdalle Carab Sandheere ayaa dawladda Soomaaliya ku eedeeyey in ay fara gelin amni ka wado qaybo ka mid ah Somaliland gaar ahaanna gobollada Bariga Somaliland.
Wasiirku waxa uu sheegay in Xasan Sheekh ku hawlan yahay sidii uu u xaalad abuur uga samayn lahaa Somaliland gaar ahaanna bariga gobolka Sool halkaas oo dhowaan lagaga dhawaaqay maamuul ku fidsan ilaa Sanaag Bari.
WWW.HIIRAANSHOW.COM
0 Comments