Xiisad colaadeed ayaa ka taagan magaalada Doolow ee gobolka Gedo taas oo ah Xadka ay Soomaaliya la wadaagto dalka Itoobiya.
Dagaal aad u xooggan ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay uu halkaas ku dhex maray ciidanka dawladda Federaalka iyo kuwa maamuulka Jubbaland ee ku sugan magaalada Doolow.
Qaar ka mid ah Warbaahinta taabacsan maamuulka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa baahiyey in ciidanka Itoobiya ee halkaas ku sugnaa ay qayb ka ahaayeen dagaalka iyaga oo garab siinaya kuwa Jubbaland, balse maamuul goboleedka Jubbaland waxa ay eedda dagaalka dusha u saareen dawladda Federaalka ee Soomaaliya.
Xiisaddan colaadeed ee ka aloosan xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku soo beegmaysa xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sugan yahay magaalada Addis ababa isaga oo halkaas kula kulmay madaxda dalkaas ugu sarraysa.
WWW.HIIRAANSHOW.COM
0 Comments