LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Ninkaan waa bajaajle, maalin dhaweyd waxaa bajaajtiisa soo fuulay hooyo wadato wiil yar oo ay dhashay aadna u xanuunsan, waxay sidatay lacag dhan 100,000 oo giniga masar ah taasoo ay ugu talo gashay in wiilkeeda ku daaweyso qaliina ku galiso..


 

Ninkaan waa bajaajle, maalin dhaweyd waxaa bajaajtiisa soo fuulay hooyo wadato wiil yar oo ay dhashay aadna u xanuunsan, waxay sidatay lacag dhan 100,000 oo giniga masar ah taasoo ay ugu talo gashay in wiilkeeda ku daaweyso qaliina ku galiso.


Maamadii iyo wiilkeedii markii ay bajaajkii ka dagteen ayay isbitaalkii galeen, balse Hooyadii ayaa bajaajtii ku ilowday boorsadii ay lacagta ugu jirtay, bajaajlihiina wuu iska tagay.


Markii ay hooyadii isbitaalka gashay qolka dhakhtarkana u gudubtay oo laga sugaayay iney shubto lacagta qalliinka ku gali lahaa wiilkeeda ayay boorsadii weysay, naxdintii ay ka qaadayna wey la suuxday.


In cabbaar ah markey suuxsaneyd ayay soo miyirsatay waxayna aragtay ninkii bajaajlaha ahaa oo korkeeda taagan sidoo kalana boorsadii lacagta gacanta ku sida, ninkii ayaana maamadii lacagtii farta ka saaray, xitaa wuxuu diiday inuu qaato wax khidmad ah.


Dadkii wanaagsanaa wali dunida kama dhammaan.

Post a Comment

1 Comments